Wasaaradda Maaliyadda oo ku guuleysatay sare u qaadida dakhliga DF soo galay 3-dii bilood ee la soo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo iyo bogaadin ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dalka, kadib guul ay Wasaaraddu ka soo hooysay dakhliga gudaha Saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiir Bayle ayaa timaamay in ay socoto howsha Canshuuraha islamarkaana waxa uu cadeeyay Wasiirku amaanta in ay mudanyihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada usaareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo in uu kor uga koco sidii uu ahaa

raalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in sare loo qaado Dakhliga Dowladda soo gala taas oo Sadexdii bil ee la soo dhafay ay noqotay mid aad uga sareysa sanadihii hore dakhliga soo xaroon jiray.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday in ay xoogga saaraan uruurinta Canshuuraha Barriga, iyadoona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Beyle uu balan qaaday howshaasi in si wadajir ah loo qabanayo.

Comments

comments