Zlatan oo kulankiisa koowaad labo gool dhaliyay

Zlatan Ibrahimovic ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankiisa koowaad uu LA Galaxy u cayaaro kulan ka tirsanaa horyaalka Mareekanka MSL.

 Naadiga LA Galaxy ayaa 4-3 gusha kaga qaadatay dhigeeda Los Angeles FC weliba qaybtii hore cayaarta 3-0 ayaa lagu kala nastay oo ay Los Angeles FC ku hogaamineesay.

Zlatan Ibrahimovic ayaa badal kusoo galay kulankaan daqiiqadii 71-aad kaliya marka uu cayaarta ku jiray 6-daqiiqo ayuu goolkiisa koowaad dhaliyay.

Big Zlatan ayaa goosha naadiga Los Angeles FC kasoo toogtay 38 yard sidoo kalena funaandada siibtay asigoo dabaal deg waali ah sameeyay cayaartana ka dhigay 3-3.

Comments

comments