Ciidamada Puntland oo Weeraray degaanada Booj iyo Dhagax Dhaabur

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxa ay a fuliyeen degaanada Booj iyo Dhagax Dhaabur ee Buuraha Cal Madow sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Sarkaal oo ka tirsan ciidamada mamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku  dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ammaanka ay beegsaday Saldhig halkaasi ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Puntland waxa ay sheegeen meesha ay Weerarka ku qaadeen in ay ku sugnaayeen dagaalyahano muhiim ah oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana weeraro gaadmo ah kaga soo qaadi jireen ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Buuraleyda Galgala iyo Sugure.

Comments

comments