Duqeyn lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacday Jubbada hoose

Diyaarad Drone ah, ayaa duqeyn waxa ay ka fulisay duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo duqeyntaasi ay ku dhinteen dad shacab ah.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday meel 25-KM u jirta deegaanka Kaamjiroon ee Gobolka Jubbada hoose, waxaana ku dhibaatoobay hal qoys oo deganaa guriga duqeynta lala eegtay.

Saddex ruux oo qoyska ka mid ahaa ayaa ku dhintay duqeynta, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay afar ruux oo isla qoyskaasi ka mid ahaa, kuwaasi oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda dhanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay halka Duqeynta ay ka dhacday in aysan ka akdhaweyn saldhig Shabaab, balse aysan garaneyn sababta loo beegsaday dadkan rayidka ah.

“Duqeynta waxay ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, dad shacab ah ayaa lagu laayay, sida aad aragteen dhaawacooda waxaa la keenay Isbitaalka Magaalada Kismaayo,

Duqeymaha dadka lagu leynayo way soo bateen Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaan kala hadli doonaa, si uu u yimaado isla xisaabtan.” Ayuu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da.

Diyaarada Drone-ska ah ee Duqeyntaan fulisay, ayaa la aaminsan yahay inay ka duushay Saldhiga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Gobolada dalka Somaliya ayaa waxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaarta dadka shacabka ah ee degan dhulka duqeymahaasi ay ka dhacaan.

Comments

comments