Silaca iyo Saxariirta ay ku nool yihiin Haween Soomaaliyeed Ee ku sugan Dalka Indonesia

Dalka Indonesia waxaa kunool Soomaali badan oo dalkaasi u tagtay qaxootinimo iyo waxbarasho, waxaana Soomaalida qaar loo aqoonsaday in ay yihiin Qaxooti halka kuwa kalana loo diiday in la qaabilo loona aqoonsado qaxooti.

Haween badan oo Soomaali ah kuna nool  dalka Indonesia ayaa loo diiday in loo aqoonsado qaxooti ahaan, waxaana haweenkan halkaasi ku heesta silac iyo saxariir badan sida uu soo bandhigay Wargeyska theguardian ee kasoo baxa dalka Britain.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowlada Indonesia iyo Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa haweenkan iyo dad kale u diiday in ay qaxooti u aqoonsato , Dowlada Indonesia ayaa sidan kale haweenkan u diiday in ay dalka ka shaqeestaan

Waxaana haweenkan Soomaaliyeed qaarkood dantu ku qasabtay in ay noqdaan darbi jiif iyo in ay wadooyinka ka dawarsadaan si ay u helaan nolal maalmeedkooda oo cariiri uga jira..

Haweenkan ayaa la arkaa iyaga oo wadooyinka qaar jiifa halka kuwa kalana ka dawarsadaan masaajida iyo wadooyinka, waxaana haweenkan u nugul yihiin in xili kasta dhibaato dhinaca jinsiga iyo mid kalaba loo geesto.

Haweenkan Soomaaliyeed qaarkood ayaa kunool guryo dad kale siiyeen, hasa ahaatee waxaa ku adag in ay helaan nolal maalmeedkooda, waxa ayna dantu ku kaliftaa in ay soo dawarsadaan magaalada wareegaan.

Qaar badan oo kamid ah Haweenkan ayaa sheegay in dalkooda uga soo carareen hanjabaadyo iyo dhibaatooin kale ay la kulmeen, waxa ayna sheegeen in hada dhibaato kale ay ku heesato dalka Indonesaia.

Comments

comments