Warar ku saabsan xarunta Golaha Shacabka Somaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo aad u badan oo ay hoggaamiyeyaal taliyeyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Muuqaal laga soo duubay xarunta Golaha Shacabka ayaa muujinaayay Gaadiidka dagaalka iyo baabuurta aysan xabaddu karin oo gaaray xarunta.

Ciidamada Hadda ku sugan xarunta Golaha Shacabka ayaa isugu jira Booliis , Nabad suggid , Milatari iyo ciidamo ka socda AMISOM.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gudaha ay ku sugan yihiin ciidamo

Ciidamo Boolis ah kuwa AMISOM ee Booliska iyo kuwo Cadaan ah oo wata Eeyo ayaa ku sugan afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka,waxayna baarayaan xildhibaanada galaya xarunta, si ammaanka loo xaqiijiyo.

Xaaladda Baarlamaanka maanta lama qiyaasi karo sida uu noqon doono, maadaama Xildhibaano wata laba Ajande oo iska soo horjeeda hoolka ay ku sugan yihiin maanta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwa difaacaya iyo kuwa Mooshinka la boodaya ayeey isugu jiraan.

Suxufiyiinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha Baarlamaanka, maadaama la diiday in si toos ah loo soo tabiyo waxa ka socda Xarunta Golaha Shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee iska soo horjeeda.

Comments

comments