Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta qaar ee xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta qaarkood waxa ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyeen waxa ay qabanayaan hadii loo doorto xilka Guddoomiyaha Golaha, midkood.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa dhageysiga khudbadaha Lix ka mid ah Musharaxiinta u hanqal taageysa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo bishan bilowgeedii uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Lixda Xildhibaan ee maanta khudbaha jeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Idiris Cabdi Dhaqtar.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Shanta Musharax ee harsan ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyaan qorshe howleedkooda, waxaana Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka lagu balansan yahay in ay dhacdo 30-ka bishan.

Comments

comments