DAAWO: Mahdi M.Guuleed ”Waxaan leeyahay Somaliland iyo Puntland looma baahna in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo”

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuuleed ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland iney qaboojiyaan Xiisada ka taagan deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

Mudane: Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inaan xilligan loo baahneyn dagaal lagu hoobtay,balse badelkeeda loo baahan yahay in wax walba wada hadal iyo is afgarad lagu dhammeeyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUQAALKA

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ayaa uga digay Maamulada Puntland iyo Somaliland in dhiiga shacabka si micno daro ah loo daadiyo.

‘Waxaan leeyahay Somaliland iyo Puntland looma baahna in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo. ” ayuu yiri R.W Ku xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid

Comments

comments