WAR CUSUB: Imaaraadka Carabta oo hardan ugu jira inuu gacanta ku dhigo Dekadaha ka baxsan Muqdisho

Amiirka Xarakada Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeydah ayaa jeediyay Kalimad cusub oo uu kaga hadlayo Xaaladda Soomaaliya iyo awoodaha ku loolamayo sidii ay ula wareegi lahaayeen ilaha dhaqaalaha dalka.

Axmed Cumar Abuu Cubeydah,Hogaamiyaha Al-Shabaab,ayaa si qoto dheer kaga hadlay Khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee sababay inuu xumaado Xiriirka Labada Dowladood.

Mar uu ka hadlayay kaalinta Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay duulaanka lagu soo qaaday dalka ayuu Yiri”Sidoo kale Imaaraatka ayaa baratan adag ugu jira siduu gacanta ugu dhigi lahaa Dakada ka baxsan Muqdisho, Talisyo ciidanna ugu yeelan lahaa badda Cas, waxay labada dowladoodba [Turkiga iyo Imaaraatka] sabab u noqdeen dhismaha ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar qaata. Danta ay ka leeyihiina waa in Umadda lagu xasuuqo, Hantideedana lagu boobo”.

Sidoo kale,Amiirka Guud ee Al-Shabaab ayaa Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku baraarujiyay iney taageeraan dagaalyahanada Al-Shabaab ee uu sheegay iney hortaagan yihiin wuxuu ugu yeeray cadowga Hororka ah.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan kula jirta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM.

Comments

comments