Agaasimaha Dabdamiska Gobolka Banaadir Oo maanta Is Casilay!!

Agaasimahii Dabdamiska Gobolka Banaadir C/llaahi Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in Xilkii uu haayey Iska Casilay Waxaana uu Sheegay is casilaadiisa in ay Kadambeyso Xuquuqdii ay kulahaayeen Maamulka Gobolka Banaadir ay ku lahaayeen oo ay waayeen.
Waxaana uu sidoo kale Agaasimaha Sheegay in Qaar kamid Ah Shaqaalihii Damdamiska uu Naqaska ku dhagay Dabkii Dhawaantaan Ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Halka Qaar kalena uu ku sheegay in Sambabadooda ay wax soo gaareen.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyey iney iska indha tireen wax ka qabashada duruufaha nololeed ee shaqaalaha waaxdiisa.

“Wax haddeer bilowday ma ahan ee dhibaatadan, muddo badan ayaan u soo dhabar adeygeynay balse waan quustay, dulqaadkiina waa iga dhamaaday” ayuu intaa ku daray agaasimaha.

Waaxda dab demiska ayaa ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan maamulka gobolka Banaadir oo waxqabadkoodu ay dareemeen shacabka Muqdisho, dad badan ayaa nasiib daro ku tilmaamay iney heli waayaan xuquuqdooda.

Comments

comments