Daawo Sawirada: Shaambo loogu magac daray Farmaajo oo soo gashay Suuqyada Muqdisho!!

Magaca Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa noqday mid si weyn ugu faafay bulshada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan tan iyo waxii ka dambeeyay 8-dii bishii Febraayo xiligaas oo loo doortay Madaxweyne.

Madaxweynaha oo ahaa nin taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed ayaa noqday mid ay barteen dad badan oona horey u aqoonay siiba caruurta aadka u yar yar oo hada xifdiyay magaca Madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan taan lagu arkayay caagag yar yar oo kuwa biyaha mooyo saxaha ah oo lagu soo qoray Magaca Madaxweyne Farmaajo, waxaa sidoo kale caagada biyahaasi ku dhagnaa Sawirka Madaxweynaha.

Suuqyada Muqdisho waxaa hadda soo galay shaambo lagu qoray magaca Farmaajo, sidoo kale sawirkiisa lagu soo dhejiyay, Shaambadan tan ayaa ah mid lagu farsameeyay gudaha magaalada Muqdisho, waxa ayna hada yeelatay suuq fiican.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in magaalada soo galaan alaabo kale oo wataan magaca Madaxweyne Farmaajo, ganacsatada ayaana ah kuwa inta badan soo sameeya alaabo ay ugu magac daraan qofka ay dareemaan in shacbiyad uu ku leeyahay Ummada.

shampo_1

shampo_2

shampo_4

Comments

comments