Kooxo hubeysan oo toogasho ku dishay mid kamid ah ergadii galmudug kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka

Dableey hubeysan ayaa xalay dagmada warta-nabada ee gobolka banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ah ergadii xildhibaanada baarlamaanka kusoo dooratay magaalada cadaado ee xarunta KMG maamulka galmudug.

Dilka waxa uu ka dhacay xaafadda xamar-bile ee dagmada warta-nabada waxaana geesatay dhalinyaro bastoolado ku hubeysan sida goob joogayaal ay sheegeen.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Axmed C/qaadir Xuseen, kaasi oo xilligii la dilayay ka soo baxay Geerish ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda.

Dableeyda dilka marxuumka geesatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana waxyar kadib soo gaaray ciidamada ammaanka.

Magaalada muqdisho waxaa lagu dilay in kabadan 20 ergo oo xildhibaanada baarlamaanka kusoo doortay maamul goboleed-yada dalka mana jirto cid isku xil saartay sugitaanka ammaankooda.

Comments

comments