Dhageyso: Meeqa ruux ayaa ku dhimatay Dagaal beeleed xalay ka dhacay dagmada maxaas?

Ugu yaraan 9 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaal xalay maqribki laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadi iska soo horjeeday.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xasan, ayaa VOA-da u sheegay in dhaawacyada malayshiyaadka dagaalamay la geeyay isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Baledweyne.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in dagaalka uu ka dhashay daaqsiin dhulka ah oo xoolo dhaqatada dhexmaray.

Comments

comments