Daawo Sawirro: Madaxweyne farmaajo oo boqolaal ruux salaada jimco kula tukaday masjidka isbaheysiga islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo boqolaal Dadweyne ah Maanta Salaadda Jimcaha kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa wuxuu ka hadlay Ficilada xun xun oo ay dhaqanka u leeyihiin Maleeshiyada Argagixisada ah ee caadaystay inay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay aad muhiim u tahay in halmeel looga soo wada jeesto Maleeshiyada Al-Shabaab, sidoo kalana shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Dowladda.

“Waxaan Alle ka baryaynaa inuu naxariistiisa iyo raxmadiisa na siiyo, colaadda iyo faqrigana naga dulqaado. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu dadkeenna qalbiyadooda burcad isu mariyo. Waxaan Alle ka baryaynaa midnimo Soomaaliyeed, sharaf inaan dunida ku dhex lahaanno, aakhirna nagu abaal mariyo Janno.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Argagixisada xiriirka la leh Al-Qaacida inay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamaanka, oo iyaga oo magac Diin sheeganaya ay ku daadinayaan dhiiga Islaamka.

“Waxay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamka, iyagoo magac diin sheeganaya ayay hadana rabaan inay daadiyaan dhiigga Islaamka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Comments

comments