Qarax iyo Rasaas Caawa laga Maqlayo Muqdisho & Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya

Qarax ayaa goor dhoweyd oo fiidnimadii ah laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xigtay rasaas dad badan cabsi iyo walaac ku abuurtay.

Sida ay sheegayaan wararka ku soo dhacaya warqabadkeena Muqdisho Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray guri ku yaalla agagaarka iskuulka Dhagaxtuur ee degmada Hodan kaasoo uu degan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo ahaa taliyihii hore ee howlgalinta ciidanka NISA ee gobolka Banaadir.

Jacfar oo sidoo kale ahaa Guddoomiyihii hore ee degmada H/wadaag ayey wararku sheegayaan inuusan joogin hoygiisa xiliga bamka lagu weerarayey, waxaana la sheegay inuu safar ugu maqan yahay dibeda.

Saddex ka mid ah ilaaladiisa oo ku sugnaa hoygiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxan sida ay sheegayaan warar aanu ku helnay saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka, waxaana loo qaaday isbitaalada.

Rasaas ay fureen qaraxa ka dib ilaalada guriga bamka lagu weeraray ayaa khal-khal ka abuurtay muddo kooban xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Waaberi inkastoo markii dambe xaaladu caadi ku soo laabatay, wuxuuna qaraxan ku soo aaday xilli ay caawa bilaabatay bisha Ramadaan.

Comments

comments